Guddoomiyaha G/Banaadir oo kahadlay kororka tirada dhimashada qaraxyada zope 2

30″ October “2022

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay weerarkii qaraxyada ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in tirada dadkii ku dhintay qaraxyada ay haatan mareyso 104 qof, halka dadka dhaawacmayna ay gaarayaan 269 qof, isla markaana illaa iyo hada 6 qof aan la aqoonsan, isagoona dalbaday in la baadi goobo ehelada dadkaas la aqoonsan la’yahay.

Guddoomiye Yuufuf Jimcaale ayaa faray xarruumaha caafimaadka in aysan lacag ka qaadin dadka dhaawacyada iyo kuwa dhiiga ku deeqaya.

“Xarumaha Caafimaadka waxaa la farayaa in aan wax lacag ah laga qaadi karin dadka ay waxyeelada kasoo gaareen weerarkii shalay iyo Bulshada Dhiiga ugu deeqaya dhaawacyada” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u gurmadaan oo dadka dhaawaca ah ee yaalla qaar kamid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply