Muqdisho oo lagu qabtay shan guri oo u kireysna shabakad ka mid ah Argagixiso ah Al-shabaab”

3″ October “2022”Radio Kulmiye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Shabakad ka tirsan Al-shabaab falal amni darro ka geysan jiray Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Ammaank oo maalmihii ugu danbeeyay howlgalo balaaran waday soo qabteen qaraxyo, hub, gaadiid, isla markaasna la wareegeen shan guri.

Sidoo kale, Guddoomiye Madaale ayaa tilmaamay in guryahani ku yaallaan degmooyinka Deyniile, Yaaqshiid & Hilwaa, isla markaasna ay la wareegtay Hay’adda Nabad Sugida Qaranka.

Leave a Reply