Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Madaxweynihii hore ee Somali Xasan sheekh oo shir albaabada u xiran yeeshay

2″ May”2022″Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka So壯陽藥 omaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan Muqdisho kula qaatay madaxweynihii hore ahna musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo booqday hoygiisa.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo musharax madaxweyne Xasan Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa midnimda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka oo ahaa mid looga hadlayey arrimaha doorashada madaxweynaha ayaa  Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay in doorashada ay ku dhacdo jawi nabdoon oo wadar ogol ah.

Maxay ka wada hadleen Sheekh Aadan Madoobe & k/xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho oo Guddoomiyaha la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday dowladaha C6+.

Marwo Anita Kiki ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Marwo Anita Kiki taageernimada bini’aadanimo ay Qaramada Midoobay kula garab taagan tahay Dadka Soomaaliyeed ee saameysay abaarta daran.     

Leave a Reply