Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Doorashada Madaxweynaha kala hadlay Howlgalka ATMIS

壯陽藥 custom-font has-custom-weight” style=”font-family:Anton;font-weight:100;font-size:45px”>4″ May 2022″Muqdisho”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha sare ee ciidanka howlgalka nabad ilaalinta ATMIS ee ka howlgala Soomaaliya.

Saraakiisha ATMIS ee ka qeyb galay kulanka ayaa waxaa kamid ah Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Africa Fiona Lortan, ku-xigeenka ciidanka ATMIS Jeneraal William Shume, Iyo Meg.George Kuteesa oo ah Taliyaha Guud ee qaybta ( Sector One) ee ciidanka ATMIS.

Kulanka waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashada gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa amniga doorashada madaxweynaha oo lagu wado in ay bishaan ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sameeyay Guddiga Doorashada Madaxweynaha, kuwaasi oo ka kooban ilaa 17 Xildhibaan.

Leave a Reply