Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeybgalay Xuska Maalinta Qaran ee Talyaaniga

2″ June”2022″ Muqdisho Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudan壯陽藥 e Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar. Ayaa ka qayb galay xuska maalinta qaranka Talyaaniga ee 2-da June, oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Maalintan oo loogu magacdaray ( Italian Festa della Repubblica) waxay calaamad u tahay aftidii 1946, loo qaaday dhismihii Jamhuuriyadda Talyaaniga, taas oo laga guuray nidaamka Boqortooyada xiligaasi uu lahaa dalkaasi, munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan XFS, diblomaasiyiin sare iyo qeybaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku hadlaayey magaciisa iyo kan Madaxweynaha JFS ayaa dhambaal hambalyo ku aaddan maalinta la wadaagay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Taliyaaniga, asaga oo u rajeeyey in sanadkan kiisa kale uu noqdo mid wanagsan, iskuna xira midnimada iyo wada-jirka labada dal.

Leave a Reply