22″ June “2022” Muqdisho
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xildhibaano katirsan labada gole ee baarlamanka soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kusoo dhaweeyay Muqdisho, waxaa una sheegay Dugoomiyaha Gollaha in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.
Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa intii uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka Caasimadda Kenya ee Nairobi.