Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiis ku qaabilay Safiirka dalka Turkiga

29″ May”2022″ Muqdisho”SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Mehmet Yilmaz.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay  Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni, laguna doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,

waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay  ballan qaadeyso dhismaha xarumo Balaaran, tayeeynta shaqaalaha, tababarada ay siiyaan Ciidanka Qalabka, sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay, ayaa  dowladda Turkiga  ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,.

Leave a Reply