Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulantay safiirka dalka Sweden

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil (Xaliimo yareey) ayaa maanta xafiiskeeda kula kulantay safiirka Dawladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.

Kulankan ayaa Safiirka iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka waxa ay ugaga hadleen xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay maalmihii la soo dhaafay maadaama dalka uu galayo waqti doorasho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kulankan loogaga hadlay geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayeynta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka.

Leave a Reply