6 July “2021 ” Muqdisho
Guddiga xalinta Khilaafaadka ee heer Federal ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay waxaa ay ku yeesheen Teendhada Afisyooni eexeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona doortay Guddoomiyaha Guddigaas.
Doorashada Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka ee heer Federal ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdullaahi Abyaan Nuur iyo Cali Maxamuud Faarax ( Cali Zeko) oo ka tirsan
Cabdullaahi Abyaan Nuur ayaa ku guuleystay oo loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Guddiga xalinta Khilaafaadka oo helay 14 Cod, halka iyo Cali Maxamuud uu isna helay 7 Cod, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa 21-xubnood.
Duhurnimadii Maanta Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoomiya Guddiga iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Guddoomiye noqday Cabdixakiin Muuse Maxamed oo helay codad gaaraya 11 Cod.
Shalay ayey aheyd markii Guddiyada doorashooyinka maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doorteen Guddoomiyeyaasha Guddiyada iyo ku-xigeenadooda, kadib kulamo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.