October 15, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xilkii ka qaaday Raktarkii Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahadallah isagoo magacaabay Sii-hayaha Raktarka Jamacadda Ummadda oo noqonaya Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144 .
犀利士 ar(–wp–preset–color–background); color: var(–wp–preset–color–body-text); font-weight: var(–wp–custom–typography–font-weight–normal);”> Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Ummadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyada Jamacadda in ay la shaqeeyaan Sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Ummadda Dr Xasan Cismaan Gacal .Ugu dambeeyn, Wasiirka ahna Guddomiyaha Guddiga ayaa u rajeeyey Sii-hayaha Raktarka ee cusub inuu ku guuleeysto gudashada waajibaadkiisa.