Guddoomiyaha Dhabancad ayaa ku eedeeyay General Xijaar iyo ciidan NISA ka tirsan in ay ku soo qaadeen weer laysku hortagayo dhamaystirka doorashada

25″ April “2022” Muqdisho”

Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka Dhabancad oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in weerar ay kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda, balse arrintaas aysan ahayn mid ay ku joogsaneyso howlaha doorashooyinka ee dalka iyo shaqada ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dhowr jeer is hortaag lagu sameeyay inay shaqadooda qabsadaan xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Dhabancad ayaa falkaasi waxaa uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen ciidamada Booliska Soomaaliya.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in 壯陽藥 ciidamo ka tirsan Nabad sugida Dharcada ah ay rasaas ku fureen hoteel ku yaala garoonka Aadan Cadde oo lagu dhaarinayay xildhibaanada lagu soo doortay degmada Ceelwaaq

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=5108183702562562&id=100001129476226

Leave a Reply