22″ February “2023” Muqdisho”
Guddoomiyaha Shiiq Aadan ayaa magacaabay guddi ka soo talo bixiya xaaladaha amni iyo nololeed ee deegaano Maamulka galmudug oo lagu eedeeyay dowlada fadaraalka somalia inay ku soo rogtay cunaqabateynta
Talbaadan ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada federaalka ay ku eedeeyeen dowladda federaalka in ay badeecadaha ku xaddidday deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab.
Go,aankan ayaa waxay saameyn aan wanaagsanayn ku yeelatay kumannaanka qof ee rayidka ah ee dhulkaasi dagan iyadoo deegaanadaas, ay wali ka mid yihiin meelaha ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab
Ma jiro wax safar ah oo ka baxa ama soo gala magaalada iyo tuulooyinka lagu hareereysan yahay ee Ceelbuur tan iyo markii ay dowladu biloowday qorshahah Go,doominta
Cunnooyinka ayaa ka sii go,aya magaalada #Ceelbuur iyo tuulooyinka hoostaga oo dowlada Somalia ay go,doomisay iyadoo firxadka argagixisada shabaab ee ka cararaya ciidamada dowlada ay Isku urursanayaan #Ceelbuur iyo deegaanada ku teedsan, xili ay xaaladu kharka u saaran tahay inay ka dhacdo masiibo bani,aadanimo oo xun