14″ December “2022” Xudur
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa la hadlay cutubyo ka tirsan Ciidamada Milatariga oo ku sugan magaalada Xudur si uu ugu dhiirageliyo ka xoreeynta dalka kooxda xagjirka ah ee alshabaab
Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka waxayna ballan qaadeen in犀利士 ay dalka ka saari doonaan dagaalamayaasha AL-Shabaab.
Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay ciidanka qaranka ayaa ku ammaanay difaaca qaranimada, midnimada iyo jiritaanka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka go’antahay dagaalka Al-Shabaab.