24- December-2023
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay muhaajiriin laga soo celiyay Ruushka
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay magaalada Muqdisho ku soo dhaweysay ugu yaraan 16 tahriibayaal Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Ruushka
Mid ka mid ah dhalinyaradaasi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyay dowladda Soomaaliya sida ay u fududeysay sii deynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyada magaalada Moscow.
Ciidamada ammaanka ee Ruushka ayaa gacanta ku dhigay tahriibayaashan Soomaalida ah, balse maamulka Soomaaliya ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixin xaaladda muhaajiriinta la celiy壯陽藥 ay.
“Waxaan ku faraxsanahay in dowladeena ay naga soo daysay xabsi aan ku jirnay 30-maalmood oo aan ku dhibtoonaynay, waxaan ku faraxsanahay in aan dib ugu soo laabto dalkayga” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in dalka dib loogu soo celiyo muwaadiniinta ku xiran xabsiyada kala duwan ee caalamka.
Finland waxay xirtay dhammaan xadka 1,340-km (832-mile) ee ay la wadaagto Ruushka usbuucii hore ka dib markii ay ku eedeysay Moscow inay dib u bilaabayso dadaalka ay ku doonayso inay ku soo geliso muhaajiriinta dalkeeda si ay u keento xasillooni darro. Bishii Nofembar, wasiirka arrimaha gudaha ee Estonia wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Ruushka inuu ku lug lahaa “hawlgal weerar isku-dhaf ah” oo lagu keenayo muhaajiriinta xuduudeeda. Si kastaba ha ahaatee, dawladda Ruushka ayaa labada eedaymahaas ka beenisay dalalka deriska la ah.
Dalka Ruushka ayaa waxaa wax ka barta boqolaal arday Soomaaliyeed ah oo qaabilay