Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

22- April – 2024 Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan 8-da wadan kuwaas oo ururkan door weyn ku lahaa ansixinta iyo ku biiritaanka xubinnimada Soomaaliya. Inta uu kulanka socday waxay soo bandhigeen sida uu u shaqeeyo, waxaana ay ka jawaabeen dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale waxay sharraxaad ka bixiyeen sida loo doorto iyo masuuliyada Xildhibaannada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika.

Xubnaha oo uu hoggaami壯陽藥 naayay Mudane Namara Dennis, ayaa waxay adkeeyeen ahmiyada Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo fursadaha waa-weyn ee laga heli karo. Dhanka kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada, iyagana waxeey ka mahadceliyaen sida wanagsan ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u soo dhoweeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la guddoonsiiyay heshiiskii lagu aasaasay Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo Xeerarka Habraaca Golaha Sharci Dejinta ee Suuqa Bariga Afrika, waxaana uu ka mahadceliyay doorka ay ka qaateen dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururkaan, iyada oo kulanka ay qeyb ka ahayd Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar

Leave a Reply