22″ December 2022″
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.
Kulanka oo looga hadlay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Marwo Anita Kiki waxay si buuxda u taageertay dadaalada uu hormuud-ka u yahay Guddoomiyaha, muujisayna inay tahay wadada ugu wanaagsan ee xalka uu kujiro si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada go’doomiyeen si loo gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo.
Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda Baarlamaanka Jamhuuriyad壯陽藥 da Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Kaalmeynta Soomaaliya la wadaagay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku booriyay in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan.