Guddoomiye ku-xigeenka degmada Daaru Salaam oo la dhaawacay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday mas’uul  sare oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen weerarka oo lagu beegsaday Guure Maxamed Xirsi oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac halis ah, xilli uu ku sugnaa goob Farmashi ah oo ku taalla agagaarka Ex-koontarool Balcad.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in rasaasta la furay uu sidoo kale ku dhintay milkiilaha goobta ganacsiga, waxaana kadib baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka iyo dhaawaca gaysatay ay horay u qaateen baabuur uu lahaa mas’uulka la weeraray iyo qoray uu ka cararay askari la socday.

Sidoo kale laamaha amniga Soomaaliya ayaa goobta gaaray, waxayna sameeyeen baaritaano kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dhacdadaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo miino la beegsato mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Muqdisho, inkastoo xaaladda maalmahan ay ahayd mid deggan.