Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka oo Si,weeyn Loogu Soo Dhaweeyay Xeraale

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa gaaray magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud, halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay

Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu gaaray Xeraale waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha bulshada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan socdaalka uu ku tegay Xeraale iyo sawiradiisa.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Maamulka deegaanka, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, isagoo warbxino ku saabsan xaaladda amni iyo baahiyaha ay qabaan ka dhageystay, una balan qaaday in wax badan laga qaban doono arrimaha ay soo gudbiyeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay yeesheen xildhibaanada golaha shacabka waxa uu ka sheegay inaysan ka warqabin booqashada uu Mahad ku tegey magaalada Dhuusamareeb isagoo la socday wafdi uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Leave a Reply