Guddoomiye Mursal Sheegay In Kalsoonidii Lagala Noqday RW Kheyre

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay kalsoonidii Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Guddoomiye Mursal oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa waxaa uu sheegay in kulankii Maanta ee Xildhibaanada kalsoonidii loogala noqday Xukuumadii Ra’iisul Wasaaare Kheyre, isla markaana natiijada kasoo baxday Codeynta uu ku dhawaaqay. Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xukuumadiisa uu ku eedeeyay inay fashilmeen sugida amniga Magaalada Muqdisho iyo in dalka Soomaaliya ay gaarsiiyaan inay ka dhacdo Doortasho qof iyo Cod ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa waxaa uu shaaciyay in 178 Xildhibaan ay Cod gacaan taag ah u qadeen in kalsoonida lagala noqdo Xukuumadda, 170 ayuu sheegay inay ogolaatay, halka ay diideen 8 Xildhibaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu si deg deg ah u furay inuu kusoo magacaabo Ra’iisul Wasaare Cusub iyo Xukuumadiisa.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan kalsoonimadii Maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kala noqdeen

Leave a Reply