Guddoomiye Muuse Geelle oo Sheegay In Aan Loo Marin Habraac Sax Ah Kursiga Uu Ku Soo Baxay Fahad Yaasiin

22″ Feb”2022″ Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo shir jaraaid qabtay ayaa ka warbixiyay heerka ay marayaan doorashada Golaha Shacabka oo meel wanaagsan maraya

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa caddeeyay in Guddiga doorashada uu horay u joojiyay saddex kursi oo kala ah #HOP154, #HOP103 iyo #HOP086 oo ahaa kursigii uu shalay ku soo baxay Fahad Yaasiin

Labada kursi ee kala ah #HOP154 waxaa ku soo baxday Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla, balse Guddigu sheegay in aan loo marin habraacii saxda ahaa, maadaama gabadha la tartantay aysan da’deeda gaarin 25 sano jir, sidoo kale Kursigii Jawaari ku fadhiyay #HOP103 ayaa isna weli sidiisa ah.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa caddeeyay in Guddiga doorashada uu horay u joojiyay saddex kursi oo kala ah #HOP154, #HOP103 iyo #HOP086 oo ahaa kursigii uu shalay ku soo baxay Fahad Yaasiin

Wuxa uu guddoomiyaha FEIT uu sheegay in Saddexdaasi kursi habraacii loo maray uu qalmaday, sidaas daraadeedna inta laga saxayo ay sidaasi ahaan doonaan, waxana uu raja ka muujiyay in degaannada weli doorashooyinka ku harsan yihiin in si deg deg ah looga dhameystiro

Leave a Reply