Guddoomiye Shiiq aadan oo kulan deg deg ah la yeeshay Saraakiisha Howlgalka ATMIS

9″ May”2022″ Muqdisho” CUSBOONEEYSIIN”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo caawa kulan deg deg la yeeshay saraakiisha sare ee ciidanka howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Saraakiisha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ay kala yihiin Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaqiijinta amniga Dooraashada Madaxweynaha oo Axada toddobaadka soo socda ka dhaceysa Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golasha Shacabka ayaa ku booriyay inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada.

Dhowaan ayay aheyd markii Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ay Amaanka Hoolka ku wareejiyeen Ciidamada Nabad Ilaalinta ee ATMIS.

General xijaar oo caqabado badan laka la kulmay intii lagu jray doorashada gudoonka baarlamaanka ayaan wax lug ah ku yeelan doonin amniga doorashada madaxweynaha oo lagu wareejiyay ciidamada ATMIS

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa shaaciyay habraaca Amniga goobta ay ka dhaceyso Doorashada ee Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa sheegay in Ammaanka guud ee goobta Doorashada ay sugauaan Ciidamada Howlgalka ATMIS, kuwaasi oo ay caawin doonaan tiro kamid ah Ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Leave a Reply