Guddoomiyihii Degaanka Garasbaaleey oo Qarax Lagu Dilay

21 ” May 2021″ Friday

Qarax khasaaaro gaystay ayaa goordhaweyd ka dhacay degaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Qaraxaasi.

Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga Maqlay xaafadaha ay ka Kooban tahay Garasbaaleey, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan qaraxaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno ayaa sheegaya in Qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, taasi oo sida la sheegay lagu beegsaday Guddoomiyihii Degaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday Guddoomiyaha iyo dad kale sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, kuwaasi oo ku sugan halka ay wax ka dhaceen.

Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare), waxaana lagu qarxiayy sida wararku sheegayaan meel u dhaw Masaajid uu ku dukan jiray, oo ku yaalla degaanka Garasbaaleey

Leave a Reply