Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa eed kulul u jeedisay Guddoonka Golaha shacabka, waxaana ay sheegtyay in ay ay jiraan ku tagri fal awoodeed iyo baalmarid xeer hoosaad oo ay ku tumanayan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa.
Xildhibaanad Sagal Biixi oo ka mid ahayd xubnihii shalay dalbaday in Xildhibaanada la hor keeno sharci muran badan dhaliyay oo guddoonka baarlamaanku dhaliileen ayaa sheegtay in aysan si toos ah aan sharcigaas xumaantiisa iyo wanaagiisa toona aan la horkeenin Golaha shacabka aysana jirin wax dooda ah oo la galiyay Sharcigaasn iyadoo si gaar ah eed kulul ugu jeedisay Guddoomiyaha Goalaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman iyo ku xigeenkiisa Cabdi wali Sheikh Ibraahim Mudeey.
Waxaa ay sheegtay in ay ma mid ahayd xildhibaaanno dhowr ah oo shalay dalbaday in loo qaybiyo sharciga ay wasiiraddu soo gudbisay, kaasi oo loo baahnaa in Baarlamaanku ka doodaan, lana aqriyo Sharciga
Xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa eed kulul u jeedisay Guddoonka Golaha shacabka, waxaana ay sheegtyay in ay ay jiraan ku tagri fal awoodeed iyo baalmarid xeer hoosaad oo ay ku tumanayan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenkiisa.
Xildhibaanad Sagal Biixi oo ka mid ahayd xubnihii shalay dalbaday in Xildhibaanada la hor keeno sharci muran badan dhaliyay oo guddoonka baarlamaanku dhaliileen ayaa sheegtay in aysan si toos ah aan sharcigaas xumaantiisa iyo wanaagiisa toona aan la horkeenin Golaha shacabka aysana jirin wax dooda ah oo la galiyay Sharcigaasn iyadoo si gaar ah eed kulul ugu jeedisay Guddoomiyaha Goalaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman iyo ku xigeenkiisa Cabdi wali Sheikh Ibraahim Mudeey.
Waxaa ay sheegtay in ay ma mid ahayd xildhibaaanno dhowr ah oo shalay dalbaday in loo qaybiyo sharciga ay wasiiraddu soo gudbisay, kaasi oo loo baahnaa in Baarlamaanku ka doodaan, lana aqriyo Sharciga.AKHRISO
Waxaa Xildhibaanad Sagal ay sheegtay in sida loo fasiray sharcigaas aysan wax u jirin taasina aan ilaa hadda caddeyn loo hayn, waxaana sababta ku sheegtay in ilaa iyo hadda aan Golaha la hor keenin sharciga, iyadoo sheegtay in guddoomiyaha uu sharcigaas jeebka ugu jiro, go’aanka dhalecaynta ah ee uu usoo jeediyay sharciga guddoomiyhu ayay ku sheegtay in uu yahay mid ku kooban guddoonka, waxaana intaas ay ku dartay in baarlamaanku aysan ogayn waxa uu ku saxan yahay sharcigu iyo waxa uu ku qaladan yahay, sababtana waxaa ay sheegtay in ay tahay sharciga oo aan wali loo qaybin Xildhinbaanada Golaha Shacabka.
Waxaa ay eed gaar ah usoo jeedisay Guddoonka Golaha Shacabka oo ay sheegtay in ay cabburin ku hayaan Xildhibaaanada, mararka qaarna aan loo ogolaan ay hadlaan oo ay fadhiga si caadi ah ra’yigooda iyo doodad ay qabaan ay usoo gudbiyaan, waxaan ay sheegtay in arrintaasi ay dhowr jeer soo laa-laabatay oo la cabburiyay Xildhibaano doonayay in ay ka hadlaan kulanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ku xigeenkiisa ayaa shalay si kulul u dhaleeceeyay qodobo ka mid ah sharcigaas, waxaana Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan iyo Cabdi Wali Sheikh Ibraahim Muddeey ay sheegeen in sharcigaasi uu si cad uga hor imaanayo Diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaana ay sheegeen in uu fasaxayo sinada iyo waxyaabo kale oo diinta islamku ay mamnuucday.