8-Aug-2023- Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe ) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta kulan la qaatay guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Guddoonka labada Aqal ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada gole ee Baarlamaanka dalka, habraaca dib u eegista dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo arrimaha hortabinta u leh shaqooyinka Baarlamaanka 11-aad ee JFS.
