21″ Feb” 2022″ Muqdisho
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa xeer ilaaliyaal u magacaabay baarista kiiska wasiir壯陽藥 ka batroolka oo uu gal dacwadeed ka soo gudbiyay hanti dhawrka guud ee qaranka.
Xeer ilaaliyaasha la magaacabay ayaa waxaa ay baaritaanno ku sameyn doonaan heshiiska la saxiixay, kaasi oo hadal hayn farabadan dhaliyay, sidoo kalena ay iska fogeeyeen Xafiiska madaxweynaha iyo kan Xukuumadda.
Xer ilaashiyaha Qaranka ayaa intaa ku daray in xubnaha uu magacaabay ay tallaabi ku habboon heshiiskaasi la sheegay in Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya uu la saxiixday Shirkad.
“Waxaan amray, Xeer-ilaaliyayaalna u magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyada laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.
Horay Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa arrintaan war kaga soo saaray, waxaana uu codsaday in tallaabo laga qaado Wasiirka saxiixday heshiiska.