Gudiyada doorashada galmudug iyo Somaliland oo shaaciyay jadwalka doorashada aqalka hoose

21″ January “2022”

Guddiga Hirgeli犀利士 nta Doorashooyinka Dadban ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada illaa 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taal magaalada Dhuusamareeb

SEIT Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray ku cadeeyay habraaca Doorashada, waqtiga la xareynayo Ergada Beelaha leh kuraasta iyo waqtiga ay bilaabaneyso howlaha la xiriirta xulista ergada leh kuraastaas.

Doorashada ayaa loo asteeyay in ay dhacdo 26ka iyo 27ka bishan Janaayo 2022.

Kuraasta uu guddiga Galmudug shaacisay habraaca iyo jadwalka  ayaa waxaa hore ugu fadhiyay

HOP#007: Cabdullaahi Faarax Wehliye.
HOP#061: Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax.
HOP#064: Sahra Cumar Maalin
HOP#248: Maxamed Axmed Abtidoon
HOP#089: Cabdi Shire Jaamac Ciyaar jecel
HOP#096: Cabdicasiis Cilmi Cali
HOP#071: Cabdisaabir Nuur Shuuriye

Guddiga Doorashada Somaliland oo Shaaciyay Jadwalka Qabashada 12 Kursi

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland SEIT ayaa waxa ay shaaciyeen jadwalka qabashada doorashada 12 kursi oo ka tirsan golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada 12ka kursi la qabanayo 24-Jan-2022 oo ku beegan maalinta Isniin ah.

Kuraasta uu shaaciyay guddigan iyo xildhibaanadii hore ugu fadhiday ayaa waxaa ay kala yihiin;

HOP;260 Faadumo Odowaa Raagge
HOP;257 Cabdalla Xaaji Cali Axmed
HOP;215 Faatix Saciid Xasan
HOP;267 Seynab Maxamed Caamir
HOP;268 Maxamed Cali Xaggaa
HOP;269 Maxamed Cabdulaahi Kaamil
HOP;245 Cabdiraxmaan Axmed Absuge
HOP;247 Khadro Maxamed Tukaale
HOP;209 Axmed Dhimbil Rooble
HOP;211 Caashokoos Maxamuud Cumar
HOP;201 Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
HOP;214 Cilmi Maxamuud Nuur

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada gobolada Waqooyi-Somaliland;

Leave a Reply