Waan waantii laga dhex waday Farmaajo iyo Rooble oo mar kale fashilantay

Friday “24” September “2021” Muqdisho

Waan-waan laga dhex-waday madaxweynaha iyo RW Soomaaliya ayaa mar kale fashil ku dhammaaday. Maamulka Galmudug oo madaxweynahoodu uu qeyb ka ahaa dhex-dhexaadinta labada dhinac ayaa sheegay in guul-darradu ay ka timid dhinaca madaxweyne Farmaajo, laakiin Afhayeenka madaxtooyada Somalia ayaa VOA u sheegay in wadahadlladu aanay fashilmin oo ay sii socon doonaan, isagoo sheegay in madaxtooyada Somalia ay boggaadinayso dadaallada ay wadaan Madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlamaanka.

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeya犀利士 y madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oo saaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda.

Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay.

Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul.

“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil,”ayuu ku yiri qoraal uu wasiirka Galmudug soo dhigay Facebook, qoraalkaas oo ay sii faafiyeen Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi iyo dad kale.

Galmudug oo sheegtay inuu fashilmay wada hadalkii MF Farmaajo iyo RW Roobe.

Wasiirka madaxtooyada Galmudug ayaa sidoo kale dhaliilay xafiiska madaxweynaha, oo ku sheegay in ” lagala kulmay caqabad”.

“Iyadoo Raysal Wasaare Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cumar Shido, sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Axmed Shire Falagle oo ka hadlayay xaaladda khilaafka Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay faraha kala baxday howlihii dhex dhexaadinta Ra’iisul wasaraaha iyo madaxweynaha .

Wasiirka ayaa sheegay in ay fashilmeen dadaaladii ugu dambeeyey ee uu qeybta ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor.

Ugu dambeentii Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in dhor mar ay isku dayeen ka maamul ahaan in xal waara laga gaaro khilaafka,balse gunaanadka lagu kala tagay.

Gudigii dhinaca Farmaajo oo qiray “fashilka” ku yimid wadahadalladii socday

Ma jira ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wadahadallada ay wali socdaan, filayaana inay guul ku soo dhammaadaan

“Waxay na bogaadinayaan dedaalada guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa.

Leave a Reply