2″August “2021”Muqdisho
Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa war uu soo saaray kaga soo horjeestay dalab shalay uga yimida Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ah in uula wareego gacan ku haynta doorashada kuraasta gobolada Waqooyi.
Guddoomiyah壯陽藥 a Aqalka Sare ayaa sheegay in aayo ka tashiga masiirkoodu uu gaar u yahay dadka kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland, isagoo ku baaqay in xal loo helo khilaafka ka dhex jira guddiga doorashada ee gobolada Waqooyi.
Qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ka koobnaa labo bog ayaa si toos ah ugu socday Ra’iisal wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir