1″‘ March “2023
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe qoraal ka soo saaray xaaladda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xiisadda Laascaanood ay ka dhalatay ishortaagga uu Madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyey dadka degaankaas ee si nabad ah u bannaan baxayey.
“Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad-barre.” ayuu Faysal Cali Waraabe ku yiri qoraalkiisa.
Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale sheegay in la gaaray xiligii la isu iman lahaa oo loo midoobi lahaa badbaadinta Somaliland lagana badbaadin lahaa xulufada isa soo baahaystay.
Dad ku soo dhaawacmay dagaalka Laascaanod oo la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka magaalada Laasa Caanood ee xarunta gobolka Sool bishii ina dhaaftay lixdeedii, waxa dhawr jeer 犀利士 oo kala duwan Isbitaallada Muqdisho la geeyay dad ku soo dhaawacmay dagaalladaas.
Isbitaalka Madiina oo kaliya, waxa la gaarsiiyay dhawr iyo konton qof. Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac oo lagu naaneyso Dr Burtuqal ayaa BBC-da u sheegay, inay wali isbitaalka jiifaan labo iyo sodon bukaan oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalka Laasa Caanood isla markaana ay daweyn u socoto.
Dr Burtuqal waxa uu u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.