28″ March ” 2022″ BALADWEEYNE
–C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku guuleystay doorashada kursiga #HOP058, waxaa uu helay 54 cod wareeggii koowaad, taasoo ka dhigan in cod hal dheeri ah uu ku soo baxay.
Rasaas loogu dabaal dagayo guusha doorashada Sanbaloolshe ayaa laga ridayaa magaalada Beledweyne, iyadoo dadka qaar ay cabsi ku noqotay, maadaama dadka ree Hiiraan wali dhagahooda ay ka sii guuxeyso qaraxyadii todobaarkii hore
Guusha Sanbaloolshe ayaa ka dhigan iney soo afjartay dadaal ay Villa Somaliya ku bixineysay sidii loo dhaafin lahaa kursigan, iyadoo beesha kursigaas leh ay ku adkeysatay in la siiyo Sanbaloolshe oo kamid ah mucaaradka ugu weyn dalka.
Nuur Iidoow Beyle oo kursigan ku fadhiyay Shantii sano ee la soo dhaafay ayaa tartamin, kadib markii la soo gudbiyay liiska Odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xuleysa ergada dooraneysay xildhibaanka.