Hadal hayn ka dhalatay ereyga “InshAllah ” ee uu isticmaalay Joe Biden

https://www.bbc.com/somali/war-54367318

Qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn u hadal haya ereyga ‘Inshaa Allah’ ee u isticmaalay musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden mar uu dood la lahaa madaxweyne Trump.

Joe Biden ayaa yiri ‘Inshaa Allah’ kaddib markii Trump uu ku yiri , ‘Waxaad arki doontaa qaabka aan canshuurta u celiyay’

Ereygan oo ah mid ka yimid luqadda Carabiga oo micnahiisu yahay ” Haddii uu Alle idmo”

“Inshaa Allah” waxaa inta badan adeegsadaa dadka Muslimiinta ah, waxayna la yaabeen markii uu yiri ereygan ninkan 77 jirka ah ee ka tirsan madhabta Catholic kana soo jeedo gobolka Pennsylvania.

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Wuxuu sheegay in isticmaalka ‘Inshaa Allah’ aanay ka dhignayn in dadka Muslimiinta oo kali ah ay isticmaali karaan.

Inta badan Muslimiinta waxay ‘Inshaa Allah’ u weeciyaan dhinaca diinta gaar ahaan qofka marka uu ka hadlayo arrin aan dhicin oo mustaqbal ah si loo talo saarto Alle

Amro Ali oo kamid ah dadka adeegsada Twitter-ka ayaa sheegtay in mararka qaarkood ‘Inshaa Allah’ laga dhigo arrin jees jees ah gaar ahaan marka la fulin waayo ballan ama arrin aan weligeed la dhaqan gelin doonin.

Waxay ku andacootay in isticmaalka ereygan uu yahay mid looga goolleeyahay xoojinta xiriirka bulshada.Ka bood Twitter boggan, 2

Sanadkii 2016-kii, warbaahinta ayaa si weyn u hadal heysay markii ardey kasoo jeedo Ciraaq heystana dhalashada Mareykanka laga saaray diyaaradda kaddib markii qof rakaab ahaa uu sheegay in ardeygaas uu ku dhawaaqay ereyga “Inshaa Allah”

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay inay tahay arrin jees-jees ah in Joe Biden uu isticmaala Inshallah.

Leave a Reply