Hadalada Kicinta-Necebka ee Madaxweynaha Tunisia- Habka dadka looga jeediyo dhibaatooyinka gudaha

5″ March “2023”

Dadweynaha Tunisia ayaa iska diiday ugaarsi siyaasadeed oo Madaxweyne Saïed lagu eedeeyay Talaabada Naceybka waa hab dadka looga jeediyo dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale ee Tunisia wajaheyso ayuu yiri dhadhaqaaqe Tunisian oo la hadlay AFP, wuxuuna Intaas ku daray  Dadku waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad ,Shaqo Iyo horumarin

Xornimada siyaasiinta xiran ,xorriyadda hadalka hoos u dhigista qabqabshada booliiska”joojinta saboolnimada & Sicir bararka” ayaa gilgilay dalka Tunisia iyadoo Madaxweyne Saïed uu dooonayo dareenka dadka inuu ku jeedo soogalootiga africada saxaraha ka hooseeya

Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay maanta oo Axad ah magaalada Tunis, iyagoo dalbanaya in la sii daayo in ka badan 20 ka mid ah mucaaradka oo la xiray toddobaadyadii la soo dhaafay.

Xildhibaanadii hore ayaa lagu eedeeyaa inay dalka burburiyeen, midawgii awooda badnaa ee UGTT waa la dhaleeceeyay, waxaana warbaahinta ka soo horjeeda mowqifka Saacid la la xiriiriyay inay yihiin kuwo ku xiran shisheeye.

Mudaaharaadkan ayaa yimid maalin kadib markii in ka badan 3,000 oo qof ay ku biireen isu soo bax ay soo qaban qaabiyeen ururka shaqaalaha ee UGTT ee dalka Tunisia kaas oo looga soo horjeeday waxay Amnesty International ku tilmaantay “ugaarsi siyaasadeed.

Dibad-baxayaasa oo shalay iyo maanta sameeyay Isu-soobax ayaa waxay cambaareeyeen weerarrada rabshadaha wata ee muwaadiniinta ka hooseeya Saxaraha ay la kulmeen maalmihii la soo dhaafay, ka dib khudbad ka dhan ah socdaalka muhaajiriinta africanka oo uu jeediyay Madaxweyne Saciid 21-kii Febraayo.

Laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado in tani aysan ahayn kaliya, simbiriirix siyaasadeed oo saed iyo xukuumadiisu ay ku dhaceen tiiyoo aan sameeyneyn wax lagu dejiyo Diblomasiyada Tunisia 

Madaxweyne Saacid. In kasta oo aanu soo bandhigin dulmar siyaasadeed, bulsho ama dhaqaale, haddana waxa uu maalin walba sharraxaa in dhibaatooyinku ay dibadda uga yimaaddaan. Waa shay asaasi u ah siyaasadiisa. Waxa uu ku qanacsan yahay in Tunisia ay tahay dhibbanaha shirqool caalami ah.

Tani ma aha wax weyn ama rabitaan leexin karta aragtida, dadka balse waa dhaqan siyaasadeed aan si fiican ugu dhisaneyn caqli-galnimo.

Madaxweynaha Saïed wuxuu luminayaa kalsooni dheeraad ah. Waxa uu gacan ka geysanayaa go’doominta Tunisia iyo burburka wadahadalka u dhexeeya dalalka Carabta ,Yurub, Mareykanka iyo Afrika

Leave a Reply