Hadal,heeynta nin 6 sano ka tirsanaa argagisada Alshabaab oo sawir la galay Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa aad ugu batay baraha bulshada

6″ December “2022”

Wariye Faarax Cabdulqaadir Maxamed (Gaylan), isaga oo la shaqeeya idaacad maxalli ah oo ku taalla magaalada Gaalkacyo ayaa mar qura la waayey meel uu jaan iyo cirib dhigay sanadkii 2009 kii. Hase ahaatee muddo ka dib ayaa la ogaaday inuu ku biiray kooxda Alshabaab ee saldhigyada ku leh buuraha gobolka Bari ee u dhow magaalada Boosaaso.

Faarax ayaa kooxda kasoo goostay sanadkii 2014-kii, markaasoo uu muddo ka dib markale ka howlgalay warbaahinta Puntland isago壯陽藥 o la sheegay inuu mar aad ugu dadaalay la shaqeynta waaxda warbaahinta ee madaxtooyada Puntland, balse loo diiday sababo la xiriira ka mid noqoshadiisii Alshabaab.

Takoor badan oo uu kala kulmay madaxda warbaahinta iyo kuwa dowladda iyo culeys kasoo wajahay hay’adaha amaanka ayaa Faarax Gaylan ku qasabtay inuu Puntland ka cararo.

Wuxuu usoo wareegay magaalada Muqdisho oo Hay’adaheeda amniga iyo Shacabkuba aysan wax aqoon ah u lahayn wariyahan kooxda Shabaab dhowrka sano ka tirsanaa.

Sanadkii 2016-ka ayuu la xirtay kooxdii Ololaha ee Max’ed Farmaajo, si gaar ah madaxii kooxda Fahad Yaasiin.

Guushii doorashada ee uu horraantii 2017 dii gaaray madaxweyne Farmaajo ayuu Gaylan la jaanqaaday kacaankii Dicaayadda ee ay madaxtooyadu ku shaqaaleysiisay wariyeyaasha qaar halka xarumaha waaweyn ee warbaahinta gudahana bilkasta loo qoray lacag 5000$ ah taasoo uu maamulayey C/nuur Maxamed.

Faarax Gaylan ayaa markale u wareegay hay’adda nabadsugidda ee NISA markii agaasimaheeda loo magacaabay Fahad Yaasin oo shaqaaleysiiyey wariyeyaal ay ka mid ahaayeen Faarax Gaylan, C/risaaq Terra iyo kuwo kale, kuwaas oo qaabilsanaa dicaayadda loo sameynayey maamulkii Farmaajo iyo ijaafeynta madaxdii mucaaradka.

Macluumaadka la xiriira Wariyahan Alshabaab ka tirsanaa oo ay badi dadka Puntland ogyihiin, laakiin aan laga ogeyn koofurta Soomaaliya, waxaa ila wadaagay mid ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada ee Puntland oo aan magaciisa ka gaabsanayo.

W Q Qaasim Cabdule Xusen

Leave a Reply