6- September-2023
Baraha bulshada waxaa maanta si weyn loogu falanqeeyay sawirka wiil dhallinyaro ah oo albaabka gaari gaari Cabdibile ah ka furaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar uu gaaray degmada Aadan-Yabaal, waxaana laga bixiyey aragtiyo kala duwan.
Cabdifitaax Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabaa wiilka ay aragtidiisu hadal-heynta badan abuurtay maanta, waxaana Aabe u ah madaxweynaha dalka oo maalmahaan ku sugan furimaha dagaalka.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaalada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qofka la socda madaxweynaha ee sida weyn loo faaqiday uu yahay wiilkiisa oo furinta u raacay.
Wiilka uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xogta ilaa iyo haatan aan ka heleyno waxa ay muujineysaa in hore uu ugu noolaa dalka Turkiga, wuxuuna ka shaqeynayay mid kamid ah xawaaladaha Sooma犀利士 alida.
Dad badan ayaa is weydiinaya in Cabdifitaax uu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda, maadaama uu soo muuqday isaga oo ku labisan Tuutaha militeriga Soomaaliya.
Warar aan ka heleyno xogta wiilkaan ayaa sheegaya in uusan ahayn askari ka tirsan ciidamada dowladda, balse haatan uu kusoo laabtay dalka si uu u garab istaago Aabihiis madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo bil ah aan Muqdisho tegin, furintana u jooga hoggaaminta dagaalka.
Cabdifitaax Xasan Sheekh ayaa sawirrada la baahiyay waxa ay muujinayaan isaga oo albaabka gaariga ka furaya madaxweynaha.
Wiilka Madaxweyne Xasan shiikh c/fitaax xasan shiiq maxamuud waxaa xusid mudan in uusan kamid ahayn ciidamada dowladda, isla markaana uusan heysan tababar ciidan, taasi oo loo qaadan karo in khaladaad uu ku yimaado habka ilaalinta amniga madaxweynaha xilli uu ku sugan yahay furimaha dagaalka.
Dad la hubiyay noloshoodii hore, caafimaadkooda iyo sidoo kale in ay ka madax bannaan yihiin kooxo ama shaqaale ka tirsan xafiiska madaxweynaha,oo uu aamini karo Madaxweynaha
Inta badan dadka maanta faaqiday sawirka la helay ee wiilka Madaxweynaha waxay muujiyeen in qoyska Xasan Sheekh aysan u kala harin dagaalka, halka siyaasiyiinta kale la tilmaamay in badankood aysan sameyn laheyn sidaas.
Meelaha khatarta ah waxay dadku tilmaameen in siyaasiyiinta kale ee Soomaalida aysan u ogoleyn ubadkooda, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u watay furimaha dagaalka, xilli dalku uu ku jiro xaalad adag oo argagixiso la dirir ah.