22- September-2023- BBC
Baraha bulshada ee Soomaalida maanta waxaa laga hadal hayaa astaanta qaasanso roobaadka oo ku dul sawiran buugga physics ka ee dugsiyada sare ee Soomaaliya, kaas oo ay soo saartay wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo ra’yigoogada ku soo gudbiyay baraha bulshada, ayaa sheegay inay la tahay in jeegaanta ku sawiran buugga ay tahay astaanta dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya.
Balse macalimiinta iyo xirfadlayaasha waxbarashada ee dhiga buugaan, ayaa badankood qaba ra’yi ka duwan midkaas oo ay ku faahfaahinayaan waxa rasmiga ah ee ku yaalla bogga hore ee buugaan ay u dhigaan ardeyda Soomaaliyeed.
Hadaba maxay tahay calaamadaan buugga ku taalla ?
Macalin Cabdiqaadir Cismaan waa bare maadada physics-ka ka dhiga dugsiyada sare, wuxuu sheegay in waxa ku dul sawiran buuga uu yahay ‘Jeegaan Qorraxeed’, taas oo uu ku fasiray iftiinka cad oo u kala soocma ilaa todoba midab.
Maxay tahay Jeegaan Qorraxeed?
Sanadaihii 1660 dameeyadii ee taariikhda dhalshada Nabi Ciise, ayaa saynisyahankii reer Ingiriis Isaac Newton, wuxuu soo saaray waxa loo yaqaano jeegaan qorraxeedka, isaga oo tijaabo uu sameeyay ku ogaaday in iftiinka cad ee qorraxda uu asalka hore ka koobmo ilaa iyo todobo midab.
Si uu sameeyo tijaabadaan ayuu isticmaalay sanisyahanku shey iftiinku ka gudbi karo. Sheygaan oo uu dhigay qol mugdi ah ayuu dhinac kamid ah ku soo fasaxay ileyska qoraxda, halka dhinaca kalana uu dhigay shay cad oo uu ku soo dul-dhacayo iftiinka oo tododo midab u qaybsamay. Nidaamka ayaa afka cilmiga ee Soomaaliga loo yaqaanaa Kala Xayashada Ileyska.
Todobada midab ee soo baxa ayaa kala ah, gaduud, hurdi, jaalle, buluug, cagaar, canab iyo Indigo.
Sida uu noo sheegay macalin Cabdiqadir, casharo la xariira jeegaanta iyo qaabsameysankeeda ayaa ku yaalla cutubka lixaad ee buugga, kuwaas oo ay lagama maarmaan tahay in loo dhigo ardeyda Soomaaliyeed.
“Buugga waxaa ku sawiran waa qaanso roobaad, waana tusaalaha ugu quruxda badan ee jeegaanta loo heli karo. Waa wax si dabiici ah u dhaca oo uu ilaaheey sameeyay” ayuu BBC u sheegay Macalin Cabdiqaadir.
Dhanka kale Cabdiqaadir wuxuu sheegay in isla sida uu tijaabadiisa ku sharraxay Isaac Newton, ay u sameysmaan midabada qaansa roobaadka taas oo la arko xilliyada roobabowga.
“Iftiinka qorraxda ayaa marka uu ku dhaco dhibcaha yaryar ee biyaha, ayaa waxay u dhaqmayaan sida sheygii iftiinku ka gudbayay oo kale, waxaana sameysma kala xayashada ileyska oo dabiici ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Shaacir waxa uu maamule iskuul soo ahaa in ka badan 22 sano, isaga oo hadda maamule ka ah iskuulka Shaacir oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in jeegaanta ay tahay calaamad qof walba arkayay tan iyo yaraantiisii, ka hor inta uusan ku bararugin in ay sataan u tahay dadyow kala duwan, sidoo kalana ay tahay astaan cilmiyeed oo la baro ardeyda oo dhan.
Balse maadaama ay muran ka dhalisay bulshada dhexdeeda, loona arkay sumad ay leeyihiin dad gooni ah, ayuu qabaa in laga guuro oo astaan laga dhigo waxyaalaha kale ee buugga ku qoran.
“Astaantii climiga iyo quruxdii aan haysanay hadii ay qolo qaadatay, aniga ra’yigeyga waxaan qabaa in looga guuro, intii hadalkaasi soo noqnon lahaa” ayuu BBC u sheegay Shaacir.
Sidoo kale macalin Cabdiqaadir ayaa qaba isla argatidaan isaga oo yiri: “Maadaama dood ay imaatay, aniga waxaan qabaa maadaama wax laga badali karo uu yahay buugga in la badalo…cashar ahaan mar walba ardeygu wuu u qaadanaa oo waa cashar muhiim ah oo physics ka mid ah, oo qaybaha lagu qaato kalarada oo dhan waaye”.
Dawladda Soomaaliya ayaa dhawr sano ka hor dajisay manhajka waxbarashada Soomaaliya, kadib sanado badan oo iskuulada Soomaaliya ay si iskood ah u dhigayeen manaahij kala duwan oo ay ka soo amaahdeen dawlado kala duwan oo ay kamid yihiin, kuwa dariska la ah dalka iyo kuwa carabta.