Hal,abuure Heesaa Iyo Muusikiiste Cajiib ah oo Somalia ka baxay Axmed Naaji Sacad

4- September-2023

Hal,abuure Heesaa Iyo Muusikiiste Cajiib ah oo Somalia ka baxay Axmed Naaji Sacad Laga bilaabo 1939_ ilaa 2023

Allaha u naxariisto Fanaankii halgaamaga Soomaaliyeed ahaa ee “Axmed Naaji Sacad” oo geeriyooday

Fanaanka axmed naji sacad oo ku dhashay Muqdisho 1939 xaafada bilaaja carab ee degmada shibis waxaa uu ka mid ahaa fanaaniintii sida weyn loogu xasuusto kaalintii ay ka soo qaateen halagankii gobanimo doonka soomaaliyeed

Axmed naaji sacad oo ku heesi jiray afafka Somaliga, Carabiga Iyo Talyaaniga waxa uu inbadan ugu yeeri jiray dadkii Soomaaliyeed ee raadinayay xoriyada inay u midooban sidii ay gumeysiga isaga kici lahayeen.

AUN axmed naaji ayaa Isaga oo 15 jir ah bilaabay in ka soo muuqdo fagaarayaasha ay isugu imaan jireen taageeryaashii xisbigii SYL iyadoo heesihiisu ay yihiin kuwo la dagaalamaya qabyaalada oo guubaabinaya dadka soomaaliyeed si ay ugu dhabar adeygaan doonista Xoriyada

Dowlada Fadaraalka Somalia Ayaa soo saartay Dhambaal Tacsi ah

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Jamuuriyada Somalia Mudane Daud Aweis ayaa dadka soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka tagey uga tacsiyeeyay geerida fanaanka Axmed Naaji Sacad

Innaa Lillahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo Hoboladda Qaranka ee Waaberi oo uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Al Fanaan Ustaad Axmed Naaji Sacad oo ku geeriyooday magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.

Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha iyo udub dhexaadka fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan hobalada qaranka ee Waaberi.

Ilaahay ha naxariisto, Jannatul Fardowsa Allah ha ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelkii iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Leave a Reply