Hal,addeyga Hassan Sheikh Mohamud Waxa uu Albaabada ka soo xiray Hamigii Abiy

“WQ/ Elmi Osman Farah Boodhari

Colaada Qowmiyadaha, Amnidarada kooxaha Argagixisada, Qiimaha sare ee nolosha Iyo xiisadda Isbadelka cimilada ooy ku jiraan Abaaro iyo daadad ayaa ka mid ahaa dhacdooyinka aan wanaagsaneyn ee ku jira liiska masiibooyinka ay la halgamayeen dadyoowga Geeska africa ka hor Intii aanu Abiy axmed dab ku shidin nabdoonaantii yareyd ee gobolka ka jirtay

Damaca Ethiopia ee ku aadan marin badeed ay ka qaadato biyaha Somalia waxa uu Geeska Afrika u riixay In uu galiyo kacdoon weyn Iyadoo Adduunyadan la macna Tiray Illaalinta sharciga caalamiga Ah ay Somalia u soo bandhigtay wadooyin ku qasbaya inay sii kororto Xiisada Gobolka

Madaxweynaha Somalia Dr :Xasan Sheekh Maxamuud oo olole balaaran u galay sidii uu uga taqalusi lahaa Isafgaradkii lagu fududaaday ayaa oodaha u rogay Iskudaygii dhul balaarsiga ee Itoobiya ay ku dooneeysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Somalia.

Nidaamka Adisababa ee dhaqan ahaan ku xeesha dheer xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee gudaha iyo kan dariskiisa ayaa hada dareemaya In la galiyay go,doon siyaasadeed iyadoo Muqdisho ay beesha caalamka u gudbisay ashtako ku aadan In kali taliyaha xukuma Itoobiya uu hubeeynayo kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab iyo Daacish si ay u sii kordhiyaan falalkooda amnidaro ee ay ka wadaan Somalia.

Kalitaliyaha heysta Abaalmarinta Nobel Peace Prize_ka ee Abiy ayaa la filayaa in uu Sameeyo isbadal dabacsanaan qiyaamo ah oo uu ku dajinayo carada Somalia.

Muqdisho ayaa qaaday talaabooyin dhowr ah oo kii ugu dambeeyay lagu guntay Isbaheysi ka dhan ah Itoobiya .

Heshiiska iskaashiga dhinaca amniga ee dhex maray Eritrea, Masar iyo Soomaaliya kaas oo meel adag iska taagay ,ilaalinta madaxbanaanida dowladaha Geeska Afrika kaas oo xadgudub ku tilmaamay Isafgaradkii lagu hungoobay

Lama taabtaanimada Midnimadda aan Muqgdiga ku jirin ee Soomaaliya waxay ugu dambayntii fure u noqon kartaa Nabdoonaanta Geeska Afrika