MOGADISHU — 26″ Dec”2021″ Sunday
Inkastoo ay hurisay Iska soo horjeedka cusub oo mar kale soo dhax Rooble iyo Farmaajo,hadana, Xil,ka qaadistii CIRO waxay jabin kartaa Ismari,waagii ka taagnaa in la arko Somalia oo aaday doorasho aan boob ku qotomin
Maalmihii u dambeeyay waxaa soo daahirayey khilaaf cusub oo hadheeyey geeddi socodkii doorashada Soomaaliya, kaas oo gaadhsiisan heer madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble uu midba midka kale ku eedeeyay carqaladeynta hanaanka doorashada.
Muddooyinkii u danbeeyey waxaa socday doorashada qaar ka mid ah kuraasta aqalka hoose, halka qaarna la soo saaray habraacii kuraastaas.
Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho shalay oo Sabti ahayd ay sheegeen in guddoomiye Cirro ay xilkii ka qaadeen ka dib markii guddigu ay eedaymo ka soo gudbiyeen guddoomiyaha. Cirro ayaa ku gacanseyray xil kaqaadistaasa lagu sameeyay
Wixii Ka Danbeeyay Xil,ka Qaadistii Ciro Farmaajo Muxuu Sameeyay ?
Farmaajo oo xil,ka qaadistii Ciro ka dhax ka dhax akay Rooble ayaa Warqad xalay uu ku daabacay bogga madaxtooyada Soomaaliya, waxa uu ku eedeeyay Rooble inuu gudan waayey waajibaadkii doorasho ee loo igmaday, sida oo kalena uu kala qaybiyey guddiyadii doorashada isaga oo codsaday in la isugu yimaado waxa uu ugu shir wadatashi,
Markii ay caddaatay in Ra’iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Farmaajo oo isku dayay dhawr jeer in uu rooble ka soo ceshado awoodii doorshda iyo amniga ayaa ku eedeeyay kala qeybsanaanta guddiga inuu ka dambeeya Ra’iisal wasaare Rooble,
Hase yeeshee Rooble oo garowsan in doorashada ay gaabis ku socoto ayaa isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaranka inay Muqdisho isugu yimaadaan 27-ka Desembar.
Sidee Rooble uga jawaabay?
Warsaxaafadeed maanta ka soo xafiiska ra’iisal wasaare Rooble ayaa uu isna dhankiisa ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo in uu carqaladaynayo hannaankii doorashada uuna ka shaqaynayo sidii uu xilka ku soo joogi lahaa.
“Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu abuurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah.”
Rooble ayaa intaasi ku daray, “waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu intii uu Xafiiska joogay uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Raysalwasaare Rooble.
Dhanka kale, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay shaley xubno ka socdey Midowga murashaaxiinta ee mucaaradka ah.
Waxey ka wada hadleen dardargelinta iyo hufnaanta doorashada, iyo tabashooyinka jira inta aan la gaadhin shirka lagu wadey inuu maalinta berri ah Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka. Ma cadda inuu kulankaasi dhici doono iyo in kale.
Wasiirka Ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa shir jaraa’id oo xalay qabtay kaga jawaabay arrintaas isaga oo uu ku tilmaamay olole lagu suurad xumaynayo raysalwasaaraha oo aanay waxba ka jirin. Isaga oo uu eedda saaray wax uu ugu yeedhay “kooxo abaabulan”.
Midowga Musharaxiinta oo Waalli Ku Tilmaamay Tallaabadii Uu Qaaday Farmaajo
Midowga Musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay tallaabadii uu xalay qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii Maanta xubnaha Midowga ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka Midowga kadib shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu Farmaajo ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay doorashada dalka, uuna markii horeyba hortaagan bilaabashada doorashada dhaceysa.
Tallaabadii uu qaaday Farmaajo ee uu ku sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta gudan waayay waajibaadkii ka saarnaa doorashada ayuu Xasan Sheekh sheegay inay Midowga ay kasoo horjeedan, isla markaana tallaabdaas aysan ku jirin Midnimo, ayna u arkaan mas’uuliyad darro in qar laga sii tuurayo dalka
Wixii xalay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhawaaqay waalli waayay oo aan ku dheehneynin Mas’uuliyad iyo damiir, annaga Warkaas waa diidanahay, dulqaadka siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed in loo qaato Dayuusnimo ma ahan” ayuu yiri Xasan Sheekh oo xusay in xiligaan aheyd inuu shaqeeyo Baarlamaanka 11-aad, balse arrintaas aysan muuqan haatan…
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxaa uu tilmaamay in wadada kaliya ee doorashada u furan ay tahay in la saxo qalalaadka ka jira doorashada, dibna loo eego habraacyada ee horey loogu heshiiyay.
Xasan Sheekh ayaa wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku baaqay loo baahan yahay in la balaariyo, ayna ka qeyb galaan Midowga Musharaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtiga ka dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uga digay inuu qaado tallaabo halis gelin karta dalka.
Maxay Noqon Kartaa Talaabada Xigta Si Loo Helo Doorasho Hufan ?
Doorashada Soomaaliya oo waqtigeeda ka dib dhacday ayaa hadda ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana dhawaan lasoo gabagabeeyay howsha dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Inkastoo hadda lagu guda jiro howsha doorashada Aqalka Hoose o si gaabis ah ku socoto, weli ma cadda waqtiga ay dhaceyso doorashada xilka ugu sarreeya ee madaxweynaha.
Khilaafkan u dambeeyay madaxda ugu sareysay dalka iyo kala qeybsanaanta guddiyada u xil saaran doorashada ayay u muuqataa inay abuureysa hubinta la’aan ku saabsan dhameystirka doorshada. Ma cadda inay dhici doonaan labada kulan ee iska soo horjeeda ee ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si kala gaar ah ay ugu baaqeen.
“Waxa kaliga ah ee hadda furan waxa weeya in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo bulshadu ay ogoshahay, siyaasiyiintana ay ku wada qanacsan yihiin. Madaxda ayaa laga rabaa inay siyaasadda dhinac iska dhigaan oo umadda ay u tanaasulaan,” ayuu yiri Axmed Shire Axmed oo ka tirsan Jaamacada Dowladda Puntland
Wuxuu intaasi ku daray in qaabka ugu wanaagsan ee looga bixi kara ismarin waagan hadda taagan ay tahay in “Aqalka Sare ee dhawaan la doortay uu la wareego talada dal壯陽藥 ka. Waa Aqal cusub oo sharciyad haysta. Gudoonkiisa ha doorto aqalka. Dooda kale ayaa soo bixi karta o dhinaca sharciga ah.”
Aqoonyanada soomaalida iyo daneeyayaasha ooy ku jiraan musharaxiinta oo horey uga dayrinayay habka ay u socoto doorashadan ayaa u arka in Ciro oo xil ka qaadistiisu ay noqon karto mid jabisa Ismari,waagii ka taagnaa in la arko Somalia oo aaday doorasho hufan oo aan boob ku qotomin