Damaca bad raadinta Ethiopia oo sii xoogeeystay halkee buu ku wajahan yahay ?

10″January “2022” Dheeho webmaster

Taliye ku xigeenka ciidamada badda Itoobiya, Commodore Waletsa ayaa sheegay Itoobiya in ay abaabushay ciidan baddeed ooy ugu danbeeysay intii aaney kala bixin Eritrea horaantii sagaashamaadkii

Sarkaalka ayaa waxaa kaloo uu sheegay in hada la dhamaystiray howshii dib loogu habeynayay ciidamada badda oo faransiisku bixiyay gacanta ugu weeyn

Taliye ku xigeenka ciidanka badda Ethiopia Commodore Waletsa oo rajo ka ka muujiyay tayada ciidamada ayaa xusay in ciidanku ay ka madax bannaan yihiin isbahaysi siyaasadeed oo qaabaysan,

Ethiopia ma laha bad ay ciidan u soo diyaarsato Commodore Waletsa Isna ma xusin halka ay geeynayaan ciidamada badda wuxuuse ku gaabsaday in u qorseeyeen sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka amni ee ay geysanayaan cadawgeena ,Isaga oo la hadlayay wargeeys maxali ah

ETHIOPIA MAXAA KU DHIIRIGALIYAY SAMAYSASHADA CIVIDAN BADEED ?

https://twitter.com/oryxspioenkop/status/1480187888100904966?t=80YPz-s735hzHNuG0-qDZg&s=19

Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 100 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo.

Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska.

2018-kii waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World iyo Somaliland wada galeen heshiis ay shirkadda ku maamulayso dekada.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda DP World ay saamigeeda kasii iibisay Itoobiya, taasna ay xaq u leedahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inkasta oo aysan si toos ah uga hadlin saamiga Itoobiya, ayay gabi ahaanba ka hor timid heshiiska dekeda Berbera, iyada oo xitaa baarlamaanka uu meelmariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World, islamarkaasna lagu laalayo heshiiska.

Farmaajo iyo Abiya axmed oo Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ka kooban 16-qodob oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ah, waxaana heshiiskan labada waddan u kala saxiixay

4. Sidoo kale hir-gelinta xafiisyo dublamaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is-dhaafsi ah uga sameynayaan Magaalooyinka iyo Gobollada Somalia iyo Itoobiya, fududeynta is-dhex-galka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada; waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka.

5. Waxaa la isku af-gartay muhiimadda is-kaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maal-gashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaarsiin lahaa labada waddan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

6. Waxaa lagu heshiiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku hor-gudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta is-dhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’iideysto awoodda wax-soo-saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha, waddooyinka.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo 2018 maruu ka hadlayey Dekadaha isticmaalkooda wuxuu yiri: “biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga ina dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.

Madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay 2018-kii ku heshiiyeen iney iskaashi dhaqaale oo dhinac walba leh ay yeeshaan iskaashigaasi oo uu ka mid yahay iney Itoobiya ay maalgeliso afar dakadood oo ku yaalla Soomaaliya si ay u itsicmaasho, balse dowladda Federaalka ayaa sheegtay iskaashi dhaqaale in lagu heshiiyey balse ay jirin heshiis laga gaaray Dekado ay itoobiya maalgashi ku sameyneyso

Cali Cabdi Coomay” oo ah Suxufi, qoraa ah oo ku sugan magaalada Hargaysa ayaa Ku dheerday warbixn uu ciwaan uga dhigay

Taariikhda Inta Jeer Ee Itoobiya Saylac Qabsan gaadhay

Cali Cabdi CoomaySuxufi, qoraa ah.

Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhammaantood, gaar ahaan Axmaaraddu, waxa ay ka sinaayeen in Soomaalidu ay ahaayeen kuwa ka tirsan Boqortooyadooda oo aanay weligood maamul yeelan.

 Buugga “Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay.

Damaca dal-doonista Boqorrada Itoobiya ee Axmaarada ahaa, wuu sii kala darnaa, oo qaarkood way diidanaayeen gebi ahaanba jiritaanka dhulka Soomaalida geeska afrika. Bal hadda hadalkan dhugo “Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi “dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”?

 Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. “Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters.  And there is not a Muslim country, as everyone knows”.  

Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi.

Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’.  

Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”. Tixraac: Tiirka Colaadda (2005)…. C/qadir Aroma ‘AHN’.

Tan iyo xilligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad ballaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa.

Cali Cabdi CoomaySuxufi, qoraa ah.

Leave a Reply