Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
11″ December “2022
Aamusnaantu Waxay Albaabka Ka Furi Kartaa Qof Kasta Oo Raba In Uu Boobo Hantida Ummada”
Webmeste Dheeho.com
ELMI OSMAN FARAH BOODHARI
Halkee ku danbeeysay dadaalkii Hantidhowrka ee Dibadda Soo Dhigay In Dalkeen a Soamalia Laga Xaday xiligii maamulka farmaajo adduun gaaraya 96 milyan oo dollar oo wali ka maqan qasnadda dowladda ?
Warbixinta sanadlaha ah ee Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay xog la yaab leh oo salka ku heeysa wax isdaba Marin ba,an oo dhacday intii uu jiray Maamulkii madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/lahi Farmaajo Dheeho.com
Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali oo shirka jaraa’id ee warbixinta ka hadlayey ayaa sheegay inay 96 milyan oo dollar taas oo la musuqmaasuqay xiligii maamulkii hore ee maxamed cabduahi farmaajo
Xogta layaabka leh ee hantidhowrka qaranka uu soo saaray dabayaaqadii November oo ifitiimisay khaladaad la xiriira qaabkii ay dowladdii uu hogaaminayay Madaxweye farmaajo ay u maamushay qandaraasyada, iibka, deeqaha shisheeye iyo deymaha dalka ma moodaa in uu yahay mid la daboolay ?
Maxay u dhimi kartaa hanaaka maaliyadeed ee dowladnimada Somalia hadii aaneu iman isla xisaabtan dhab ah iyadoo ay jirto in 105 heshiis oo ku kacaya $14M aan laga diwaan galin XHG iyo Deeqo dhan $13M ayaan miisaniyada Qaranka lagu darin ee uu Barlamaanku ansixiyay.
Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in 5M oo dollar lagu shubtay Akoon ka baxsan khasnada Dowladda.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay in 105 heshiis oo ku kacaya $14M aan laga diwaan galin XHG iyo Deeqo dhan $13M ayaan miisaniyada Qaranka lagu darin ee uu Barlamaanku ansixiyay.
Warbixintii naxdinta laheyd ee hantidhowrka oo u muuqatay mid waqtigeedii ka dib dhacday, dad badan kuma noqoneeyso wax yaab galiya marka la eego Xisaab,xir la,aanta dhacday 5 sano ee la soo dhaafay sida lagu muujiyay fadhiyadii ugu horeeyay ee baarlamaanka hada jira xiligaas oo la soo gole joojiyay wasiirkii hore maaliyada cdiraxmaan ducaale bayle
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto Warbixinta uu maanta soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka OK xisaab xir sanadeedkii 2020-2021