Halkuu marayaa baaritaanka dadkii lagu dilay Golweyn?

22″ Sunday Aug” 2021″ MUQDISHO

Guddi uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u saaray inay soo baaraan dhacdo 10-kii bishan lagu dilay toddodba qof meel u dho壯陽藥 w degaanka Golweyn ayaa maanta ka hadlay halka uu marayo baaritaankooda.

Mas’uuliyiinta AMISOM oo ciidankooda lagu eedeeyey inay gaysteen dilkan ayaa sheegay inay magacaabeen guddi baaritaan, waxayna qireen in dadka dhintay ay ahaayeen rayid, balse ay baarayaan in ciidankoodu ka dambeeyeen.

Dhowaanna Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa u sheegay VOA in dhammana toddobada qof ay rayid yihiin, islamarkaana ay ku baxeen gacanta ciidamada AMISOM.

Leave a Reply