Haweenka beeraleyda ah ee Afrika waxay ku xiran yihiin halgan joogta ah ooy ku bixiyaan qoysaskooda xiliyo qalalan oo kulul

19″ November “2022” Reuters

Haweenka beeraleyda ah ee Afrika waxay ku xiran yihiin halgan joogta ah ooy ku bixiyaan qoysaskooda Iyagoo wajahaya xiliyo qalalan, kulul iyo xaalado cimilo oo aan la saadaalin karin

Haweenka Afrika waxay adeegsadaan habab u oggolaanaya inay yareeyaan saameynta kuleylka caalamiga-In kasta oo ay yihiin dadka sida aadka ah u 犀利士 taabatay khalalaasaha cimilada

Markasta ooy sii kororto ay xaaladdaha degdegga ah ee isbadelka cimilada, haweenku waxay la kulmaan heerar sare oo rabshado, deegaan barakac iyo faqri ah.in badan waxay aad ugu dhow yihiin inay ku noolaadaan duruufo qalafsan

Dumarku waxa ay wataan culayska ugu daran ee xaalada degdega ah ee cimilada iyaga oo dhabarka u rita dhibaatada deegaanka, dhaqaalaha, iyo jahawareerka bulshada, haddana waa laga saaray go’aan qaadashada isbedelka Cimilada.

Maalin kasta, waxaan aragnaa dab ka kacaya kaymaha adduunka oo dhan, daad baaxad leh, abaaro ba’an, iyo dadka oo ku waayay nolol degan

Inkastoo, haweenku, ay ka tarjumayaan waxa ka dhacaya goobahooda marka ay timaado isbeddelka cimilada hadana qayb kuma laha go’aamo laga gaarayo xiisadda cimilada,

Ka faa’iidaysiga xirfadaha ay dumarku leeyihiin, oo awood-u siin kara qayb muuqata in ay ku yeeshaan dhimista khatarta musiibada waxay hagaajinaysaa adkeysiga guud

Waxaa jira tusaalayaal waaweyn oo keenaya natiijooyin la taaban karo, ayay tiri Qaramada Midoobay. Isbeddelka cimiladu waxay durba saameyn ku yeelatay bulshooyinka adduunka oo dhan, iyadoo ay taagan tahay baahida loo qabo in la caawiyo bulshooyinka kuwooda u sii nugul inay la qabsadaan.

Shirkii COP-27 ee Sharm el-Sheikh, haweenku waxay keeneen 27 dalab – Iyagoo mid kasta oo ka mid ah kulamadii cimilada ee la soo dhaafay -raadinaya inay horumariyaan xalal waara oo dhibaatada cimiada la xiriira

Iyadoo ay jirto xiisad cimilo oo sii xumaanaysa iyo cunto yari soo food saartay caalamk ,doorka haweenku ku leeyihiin beeralayda ayaa aad uga muhimsan sidii hore.

Dumar badan ayaa muujiyay in ay sticmaalaan farsamooyin cusub oo beeraha, si ay uga jawaabaan masiibooyinka,cuna yarida waxay go’aansadeen isticmaalka tamarta guriga-Si ficilka cimiladu u noqdo mid guuleysta oo waara

Cilmi-baaris cusub oo ActionAid ah oo laga sameeyay Kenya, Rwanda, Zambia, iyo Nigeria ayaa lagu ogaaday in isbeddelka cimiladu uu sidoo kale kordhinayo xadgudubyada ku saleysan jinsiga iyo dhaawaca caafimaadka maskaxda ee haweenka. Maaddaama meeraha kulaalaya ay horseedayso kor u kaca xaaladaha degdegga ah ee bini’aadantinimada iyo barakaca, haweenka iyo gabdhaha waa in aan loo dhaafin inay bixiyaan qiimaha ugu sarreeya.

Dooxada Kongo waa mid ka mid ah kaymaha ugu weyn uguna muhiimsan adduunka, kaliya waxaa ka xiga Amazon xagga baaxadda.

Dhulkii burburay ayaa dhirayn lagu sameynayaa, dhulalkii warshadaha wax soo saarka iyo ganacsigii beeraha dartood ayaa gabi ahaanba laga dhigay lama degaan. Kaynta oo leh duuryo kala duwan oo laga soo bilaabo maroodiga kaynta ilaa gorilla buuraha, ayaa dhibaato ka haysata dhirta iyo hawlaha macdanta.

Laakin hindisayaasha bulshooyinka asaliga ah ayaa wax ka bedeli kara dhaawaca. Ilaaliyeyaasha ayaa sheegay in la dhayalsanayo doorka Dooxada Kongo oo ah “dharka kaarboonka” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Leave a Reply