Hawlgallada samata bixinta dhulgariirrada Turkiga ayaa la soo afjarayaa, dowladda ayaa sheegtay

19″ February “2023”

Tirada dhimashada ka dhalatay dhulgariirkii Turkiga ayaa gaartay 40,642, iyadoo shaqada baadigoobka iyo samata bixinta dadka ku hoos jira burburka ay ka soo dhammaatay inta badan gobollada,” Dheeho.com

Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Xaaladaha Degdegga ah ee dalka Turkiga ayaa sheegay in howlaha samatabbixinta ay u badan tahay in ay dhammaan doonaan fiidnimada Axadda.

Madaxtooyadda Masiibooyinka iyo Maareynta Degdegga ah ee Turkiga (AFAD) ayaa sheegtay in howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta la soo afjaray inta badan gobollada ku dhawaad ​​laba toddobaad kaddib dhulgariirradii ba’naa ee ka dhacay Turkiga iyo Suuriya Yunis Sezar, madaxa AFAD, ayaa warbaahinta u sheegay

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.8 ayaa ku dhuftay Koonfur Bari ee Turkiga iyo dalka deriska la ah ee Suuriya 6-dii February, waxaana ku dhintay in ka badan 45,000 oo qof halka in ka badan hal milyan oo qof ay ku guryo beeleen iyadoo ay weheliso khasaare dhaqaale oo baahsan

Shalay ayaa ugu danbeeysay helitaanka dad nool markii “Gurmad壯陽藥 ‘mucjiso’ ahaa Laba iyo toban maalmood ka dib dhulgariirkaa ay shaqaalaha samatabbixinta ee Kyrgyzstan ay heleen qoys Suuriyaan ah oo ka kooban shan qof burburka dhismo ku yaal Antakya ee koonfurta Turkiga.

Saddex qof oo uu ku jiro ilmo ayaa la soo badbaadiyay. Hooyada iyo aabaha ayaa ka badbaaday, laakiin canuga ayaa u dhintay fuuqbax kadib, kooxda gurmadka ayaa sheegtay.

“Waxaan maqalnay qaylo markii aan qodnay maanta saacad ka hor. Marka aan helno dad nool mar walba waanu ku faraxsanahay,” Atay Osmanov, oo xubin ka ah kooxda samatabbixinta, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters