October 13, 2023
Hay’adaha amniga DFS oo baadi goobaya Abwaan la sheegay inuu ku biiray Shabaab. Dheeho.com
Lix iyo soddonkii saac ee u dambaysay waxaa baraha bulshada Soomaaliga qabsaday sawirka iyo magaca Nageeye, oo ah shaqsi aad loo yaqaan islamarkaas na abuuray hadalhayn weyn.
Waxaa la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay, iyo buug la sheegay in uu isaga qoray laakiin aysan jirin si loo shaqeeyo. Waxaa sidoo kale la faafiyay sawiro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanayo Jibli iyo magaalooyin kale oo ku yaal jubooyinka.
Nageeye Cali Khaliif waa macallin, abwaan iyo saxafi xirfad sare lahaa, iyo qoraa. Seddexda xirfadoodba si firfircoon ayuu ugu dhex jiray.
Haddaba maxaannu ka naqaan shaqsigaas hadal haynta badan ka dhex abuuray baraha bulshada.
Ninkan oo lagu magacaabo Abwaan Nageeye Cali Khaliif ayaa sidoo kale ka tirsanaa bahda suugaanta, kaas oo lasoo wariyay inuu aaday dhulka Al-Shabaab, inkastoo hay’adaha amniga war rasmi ah kasoo saarin kiiska Abwaanka
Warar sugan ayaa sheegaya in Nageeye uu laba todobaad kahor tegay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kadibna uu usii tallaabay dhanka degmada Jilib oo ay maamulaan Al-Shabaab kaas oo ah hsbkii Al-Shabaab uga mid noqday Saalax badbaado oo ugu danbeyntii is qarxiyay
Laakiin saraakiil ka tiran hay’addaha Amniga ee dowladda waxay sheegeen inay baaritaan ku waddaan arrinkaan, islamarkaas na ay warbixin ka soo-saari doonaan xaalka Negeeye. Waxay sheegeen hay’addaha amniga in ay ogyihiin in Negeeye gurigiisa ka maqan yahay muddo shan maalin ah islamarkaas na犀利士 ay hawada ka maqan yihiin telfoonada uu adeegsan jiray, laakiin way ka gaabsadeen inay sheegaan wax intaas ka badan.