17- January-2024
Dowladda Turkiga ayaa joojisay safar dalkaasi ku tegi lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland
Safarkan oo muddo dheer la qorsheynayay ayaa naloo xaqiijiyay in joojintiisa ay sabab u tahay heshiis beenaadkii dhawaan magaalada Addis Ababa ku dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa qorshuhu ahaa marka uu tago Turkiga uu halkaasi kula kulmo masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, balse waa la joojiyay hadda, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatey heshiiskii Somaliland ay Itoobiya ugu saxiixtay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya.
Waa tallaabo kale oo muujinaysa sida aysan dowladda Turkiga raali uga ahayn xad-gudubka madax-banaanida Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa dhawaan taageero xooggan u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, ee sida weyn uga careysiiyey shacabka Soomaaliya.
Heshiiskaasi is-afgarad ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20KM ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, inkasta oo Itoobiya ay weli dhankeeda xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas
Ankara ayaa markaas sheegtay inay rajeyneyso in muranka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada-hadal toos ah, oo ay yeeshaan Soomaalida, ayna taasi tahay hindisaha ay jihadiisa taageerayaan.
CUSBOONEYSIIN
Soomaaliya oo hawadeeda ka celisay diyaarad sidday wafdi Itoobiyan oo ku sii jeeday madaarka Hargeysa
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyaha壯陽藥 y dalka Itoobiya wafdi Itoobiyaan ah ku doonayeen in ay ku tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, iyadoo sidoo kale ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya.
Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabtaan magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulista ayaa xaqiijiyay goordhow in ay hay’addu fasaxday hadda rakaab ay soo sido Ethiopia Airline oo u soo socda Muqdisho kuwaas oo lagu wado in ay soo gaaraan garoonka.