1- November-2023
Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo mar kale damanaad qaaday inay daboosho baahida isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir
Hormuud Salaam Foundation ayaa ogolaatay inay kafaalo-qaado sanadii labaad bixinta kharashaadka shidaalka matoorrada isbitaalka, oo ay adeegyadiisu ku tiirsan tahay .
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif ayaa hay’adda uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen habsami-u-socdka hawlaha isbitaalka, oo ay hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ka helaan adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.
Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa hay’adda guddoonsiiyay shahaado bogaadin iyo mahadcelin ah, oo uu ka guddoomay Axmed Maxamuud Yuusuf, Guddoomiyaha Hormuud Telecom, ahna Guddoomiyaha Golaha Sare ee Hay’adda Hormuud Salaam Foundation.