4- Aug-2023- Muqdisho
Itoobiya : Dowlada ayaa ku dhowaaqday “xaalad deg deg ah” ayada oo ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshadaha wata ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada gobolka Amxaarada.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dadkan oo ay qabatay hay’adda NISA ay gaarayaan 10 xubnood.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay baxsadeen laba qof oo kale oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, kuwaas oo si hoose ula shaqeynayey Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa magacyada labada qof, ee sida la sheegay baxsaday, ku sheegay Cabdisataar Cabdulqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali. Wasiirka ma shaacin magacyada xubnaha gacanta lagu hayo.
Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ka dambeysay markii la ogaaday inay jiraan dad ku dhex jira dowladda oo xogta u gudbiya Al-Shabaab.
Dowladda sooma bandhigin caddeymo muujinaya dadka la qabtay.
Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadal, dadka la sheegay inay u shaqeynayeen, eek u dhex jiray dowladda.