Hay’adda NISA oo gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka haya’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa gacanku soo dhigay laba xubnood oo Al-Shabaab  qaabilsanaa dhanka Isbitaalada iyo daryeelka bukaanada.

Labada xubnood ayaa waxaa lagu kala magacaabaa  Kooshin Maxamuud Axmed iyoKeyse Faarax Xasan(Axmed yare), sida ay shaacisay NISA.

“Haya’adda NISA waxa ka go’an ciribtirka cadowga khawaarijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka soomaaliyeed iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqayntooda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.