Hay’adda NISA oo albaabada isugu dhufatay ku dhowaad 20 website oo ay isticmaali jireen argagixisada Alshabaab

1- February-2024

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in dalka iyo dibaddiisa ay ka xirtay Website-yo ay adeegsan jireen Al-Shabaab.

Burburinta mareegayaal Internet oo baahiya macluumad ay k壯陽藥 a buuxaan xagjirnimo ay kor u qaadaysa badqabka amniga warbaahinda Online ka ah ee Somalia

Heyadda NISA oo halgan la gashay kala saarista isku milankii Argagixisada iyo hayaddaha amaanka ayaa albaabada isugu dhufatay ku dhowaad 20 website oo ay isticmaali jireen shaqsiyaad ku xiran argagixisada Alshabaab

Heyadda nabasugida qaranka somalia ee uu madaxda ka yahay Agaasime Mahad salaad ayaa talaabo nabadgelyo oo xaga Internet_ka ah ka qaaday markii ugu horeeysay Websiteyadii ay isticmaali jireen Alshabaab,kuwaas oo Marin habaabin jiray dadka

Talaabadan ayaa timid Kadib markii meesha laga saaray maamulkii nabadsugida somalia ee uu fahad yaasiin oo gacan saar dhow la lahaa argagixisada la ciribtirayo

Xiritaanka gudaha dalka iyo dibadda Website-yo ay adeegsan jireen Al-Shabaab ayaa ah arin muhiim u ah ka hortaga macluumaadka qaldan ee argagixisadu mudo ka dhex waday Online

Qoraal kaso baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay inay hay’addu heshay magacyada miilkiilayaasha diiwaan-geliyay, kadibna laga dacweeyay dalalka ay joogaan:

Leave a Reply