Hay’adda NISA oo yeelatay sharci markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay mudo haatan laga joogo 53 sano

6″ Feb”2023″ Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee {NISA} ayaa yeelatay sharci markii ugu horreysay tan iyo markii la aasaasay mudo haatan laga joogo 53 sano Dheeho.com

Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee {NISA} oo hadba rajiimka xukunka heeysta u addeegsan jiray in uu ku caburiyo dadka dhaliila ayaa haatan loo helay sharci lagu la xisaabtamo iyadoo Hindise sharciyeedka NISA oo maalmihii la soo dhaafay horyaalay Baarlamaanka Somalia dood dheer kadib Xildhibaanada Golaha shacabku ay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen

Agaasimaha hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Salaad maxamed ayaa Baarlamaanka uga mahdcliyay ansixita sharcigaan Cusub oo ay hay’addu soo diyaarisay.

https://twitter.com犀利士 /BoodhariFarah/status/1622616737937256449?t=s5HDtSTmxGPYpvHPO0sAGw&s=19

144 xildhibaan ayaa haa ku codeysay, sedax ayaa ka aamustay, hal xildhibaana waa diidyay sharciga hay,adda NISA oo aan waligeed lagu la xisaabtamin wax walba ooy geeysato

Agaasime Mahad Salaad ayaa Taariikhda ku galay in uu noqdo Maamulihii ugu horeeyay ee leh hal,abuurnimada In hay,addan ay yeelato shaci xakeemaya xadgudubyada Magaceeda lagu geeysto iyadoo NISA ay tahay hay,addaha Amaanka Somalia tan ugu horreeysa ee dad badani ay ka tirsanayaan Xadgudubyo ka soo gaaray

Leave a Reply